Posts

Showing posts from July, 2020

Talo iyo Toosin ku socota Telesom iyo Somtel.

Image
Telesom iyo Somtel Maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshadu ku kulanto waxa ka socotay dood la xidhiidha adeegyada somtel iyo telesom, Waxyaabaha dooda xiiso gaara u yeelay ayay ahayd inay somtel kuso beegtay barnaamijyo abaal marin ah oo sidaynu la socono ku kalifay in shirkada telesom uso dabacdo oo ay ka jawaabto fariinta macaamisha. Waxa imika uun bilawday tartanka suuqa isgaadhsiinta waxaana kalifay inuu tartan furmo macaamisha oo ahayd cida sababtay inay labada shirkadood aad u kala fogaadaan oo waqtiyadan danbe aad moodo inay waxbadan fahmeen oo ay ogaaden cida kaliya ee tartan siin kartaa shirkadaha inay isla iyaga yihiin. Waxaan labada shirkadood talo ahaan uso jeedinaya inay iska hagaajiyan dhawrkan qodob. Telesom Customer power “When a customer enters my store, forget me. He is king,”  John Wanamaker Talaabadan imika ay telesom qaaday waxay cadayn u tahay inay imika uun ku baraarugtay awooda macaamisha oo aanay hore u dhagaysan jirin, Telesom waxay inkirtay oo ay mudo baddan