Talo iyo Toosin ku socota Telesom iyo Somtel.


Telesom iyo Somtel

Maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshadu ku kulanto waxa ka socotay dood la xidhiidha adeegyada somtel iyo telesom, Waxyaabaha dooda xiiso gaara u yeelay ayay ahayd inay somtel kuso beegtay barnaamijyo abaal marin ah oo sidaynu la socono ku kalifay in shirkada telesom uso dabacdo oo ay ka jawaabto fariinta macaamisha.

Waxa imika uun bilawday tartanka suuqa isgaadhsiinta waxaana kalifay inuu tartan furmo macaamisha oo ahayd cida sababtay inay labada shirkadood aad u kala fogaadaan oo waqtiyadan danbe aad moodo inay waxbadan fahmeen oo ay ogaaden cida kaliya ee tartan siin kartaa shirkadaha inay isla iyaga yihiin.

Waxaan labada shirkadood talo ahaan uso jeedinaya inay iska hagaajiyan dhawrkan qodob.

Telesom

Customer power

“When a customer enters my store, forget me. He is king,”  John Wanamaker

Talaabadan imika ay telesom qaaday waxay cadayn u tahay inay imika uun ku baraarugtay awooda macaamisha oo aanay hore u dhagaysan jirin, Telesom waxay inkirtay oo ay mudo baddan iska indho tirtay inuu macmiilku yahay Asset-ka ugu wayn ee ay shirkadu leedahay marka laga imaado shaqaalaha. Markaad booqato goobaha loogu talo galay macaamisha waa run waa laguso dhawayn se xoriyad iyo maamul toona ma lihid hadaad laba kalmadood is dhaafsataan shaqaalaha askari aad moodo in adiga laguusi diyaariyay ayaa ku dul taagan oo haduu doono kuba xidhaya waxaan uso jeedinayaa shirkadaa inay dhaqanka aadka u liita wax ka badasho oo ay awooda dib uguso celiso macaamisha.

Customer relations management.

Telesom waxay sidoo kalle ku liidata xidhiidhinta iyo ka warhaynta macaamisha, macaamishu maaha inay isla iyagu shirkada soo raadiyaan, Shirkada ayaa masuul ka ah ka warhaynta iyo xidhiidhinta macaamisha, Tusaale "Telesom hadii adeeg kaa ciladoobo meeshad doonto joog waxa kugu qasab ah inaad adigu timaado, Ma dhacayso inay shirkadu kaa qabato lambar-ka qaabilsan customer care "151" oo hawshaada bartaa lagu dhamaystiro, Waxaan usoo jeedinaya shirkada inay samayso qayb macaamisha ugu adeegta habkan telephone.

The Importance of Customer Loyalty

Telesom waxay guud ahaan-ba is biday inaanay cidna u baahnayn se iyada loo baahanyahay, Markaad u fiirsato macaamisha isticmaasha waxaad dareemaysa inay badankooda baahi ku qasbayso oo aanay isticmaaleen hadii ay jirto shirkad kalle oo baahidoda kafayn karta, Waxaana dhici karta in mustaqbalka shirkadaha tartanka kula jira ay si fudud ula wareegaan maadama markii horaba isticmaalka adeega ku dareemayeen nervous iyo inaan wax baahiya loo qabin iyaga.

Somtel

Somtel waxaan macmiil u ahay mudo dhawr sanno ah, waxaan sidoo kalle ka diyaariyay laba case study oo jaamacada ah,  Somtel waa shirkada ugu wayn ee suuqa abaalmarino qaali ah ku bixisa ee hadana aan helin wax u dhigma ama wax u dhaw toona waxaan ka wadaa "They have low return on investment" oo aan aaminsanahay waxa sababay inuu yahay sadexdan meelod ee ay shirkadu aad ugu liidato ay tahayna inay iska hagaajiso.

Wrong Target Market.

Somtel waxaan aaminsanahay inuu ka lumay ilaa hadana uu ka lunsanyahay target market, jaanisyo baddan oo shirkada kalle dayacdayna kamay faaidaysan, Somtel cida ugu baddan ee uu baahani waa dhalinyarta oo ah population ugu badan dalka inay marka goob wal oo mii iyo magaalo ah oo ay joogan ugu tagaan oo ay waliba xooga saaran jaamacadaha iyo schools adeegyo iyaga u gaar ahna ay uso kordhiyaan maadama ay yihiin cida ugu badan ee isticmaasha mobile applications ayaa haboonayd, Waxaad sidoo kalle jirta inaanay ku baraarugsanayn faaidada uu leeyahay B2B marketing oo aad tusaale uso qaadan karto inaanay wax xidhiidha la samayn shirkadaha bixiya adeegyada ugu baddan ee sida maalin lahaa dadku u isticmaalan oo ah ilaha ugu muhiimsan ee ay telesom kaga horayso.

Poor Service Quality.

Somtel si wal oo ay usoo kordhiso adeegyo wanaagsan hadana macmiil ahaan iskuma halayn kartid, Waxay ahayd shirkadu inay macmiilka qiimayso oo ay eegto aaminada iyo kalsoonida uu ku qabo adeegooda, Goob kasta iyo goor walba waa inuu macmiilku kaa helo adeeg wanaagsan, waa inuu isku halayn karo adeega meel walba oo uu dalka ka joogo, Waxaan aaminsanahay inaan somtel looga isticmaalin gobolada kalle sida caasimada looga isticmaalo waxa cadayn ku ah berbera oo aan hada dhawr bilood joogo waa yartahay inta hadal haysa ama xog wanaagsan ka haysa abaalmarinta cusub ee shirkadu bilawdway.

Poor customer service.

Somtel meesha ugu wayn ee ay ku liidata waa halkan, Waxaad dareemaysaa inaanay aqoon u lahayn shaqaaluhu adeega ay bixinayaan, Macmiil-ka maanta is idhaa ka faaidayso abaalmarinta oo soo furo simcard xaruun wal oo uu booqdo waxa uu ugu tagaya adeeg xumo iyo soo dhawayn la'aan, taaso ku kalifaysaa niyad-jab. 

Ugu danbayn waxaan labada shirkadood leeyahay 

"Marketing is no longer about the services you make that's services concept. Marketing is creating and providing value to your customers and maintaining strong relationship with them".

Sadik J Hassan
Marketing Management Specialist 
Sadikjamm@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Navigating Growth: Berbera Port and Economic Zone as Game-Changers for Ethiopian Business

Unlocking Opportunities: How Somaliland's MOU with ALS Worldwide Benefits Berbera Port and Ethiopia